MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho  Nabadoon Abaabul ayaa ka hadlay soona dhaweeyay go’aankii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan uu Muqdisho ku soo daray sedex degmo oo cusub.

Nabadoon Abaabul wuxuu saxaafada la wadaagay talo soo jeedin ah in Caasimada Dalka Muqdisho la sii balaarsho oo 20-ka degmo laga sii badiyo.

Advertisement

“Muqdisho way soo kaduudmatay oo yaraatay Waxaana codsanaa in Jasiira,Afgooye,Balcad iyo Warshiikh Muqdisho lagu soo daro” ayuu yiri Nabadoon Abaabul.

Wuxuu soo jeediyay in Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed lagala tashto sidii degmooyinka uu sheegay Xamar loogu soo dari lahaa.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay Nabadoon Abaabul in Baarlamaanku arintaan ka fadhiisto islamarkaana taageeraan balaarinta Magaalada Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here