Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in sixir iyo turufo uu adeegsaday kula saxiidday haween badan oo qaarkood la qabo ,kaddibna ka duubay muuqaalo anshax-xumo ah.

Advertisement

Ciidamada booliiska ayaa gacanta kusoo dhigay ninkan oo lagu magacaabi Abuukar Maxamed Xasan (Shooble) oo ah 52-sanno jir isaga oo ku dhax jira gogol dhaaf iyo xumaan uu u adeegsaday sixir iyo turufo.

Ninkan ayaa maxkamadda gobolka Banaadir baaris dheer kaddib ku heshay in uu galay saddex kamid ah dambiyada lagu soo eedeeyay oo ay kamid ahaayeen in uu adeegsaday sixir iyo turufo uuna la seexday haween la qabo kana duubay qaarkood muuqaalo.

Ninkan ayaana maxkamadda horteeda ka qirtay in uu geestay dambiyada qaar ee lagu soo eedeeyay, waxa uuna sidoo kale ninkan sheegay in haweenka uu la seexday qaarkood ka duubay muuqaalo anshax-xumo ah sida iyaga oo qaawan.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Shooble kusoo eedeeysay in uu si gaar ah u beegsan jiray dadka dhibanayasaha ah ee muuqaaladooda lagu baahiyo baraha bulshada, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay isaga oo sixir adeegsanaya in uu la seexan jiray haween la qabo.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Dabaan ayaa ugu dambeyn ninkan ku helay saddex dambi, waxa uuna ku riday xukun toban sanno oo xabsi ah oo ka dhalatay saddexda dambi ee maxkamadda ku heshay.

Gacal Ayman

Previous article4 kamid ah xaasaska horjoogayaal Shabaab ah oo maxkamadda ciidamada lasoo taagay
Next articleMuwaadiniinta Turkiga osi nabad ah looga soo daad gureeyay dalka Niger oo uu afgambiga ka dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here