Puntland ayaa Gaashaanka kudhufatay shirkii Madaxweyne Farmaajo kucasuumay Madaxda Maamul-gobaleedyada

0

Maamul goboleedka Puntland ayaa qaadacay ka qeyb galka Shirkii Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku casuumay maamul goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan oon wali la shaacin xiliga uu dhacayo ayaa looga hadli lahaa Doorashooyinka dalka, waxaana qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya lagu casuumay maamul goboleedyada in shirkaasi kasoo qeyb galaan.

Wasiirka Warfaafinta Puntland C/llaahi Cali Xirsi (Timacade) ayaa meesha ka saaray casuumaadda Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna xusay in ay taageersan yihiin baaqii aqalka sare ee ahaa in shir isugu yimaadaan Madaxda dalka iyo kuwa maamulada.

Maamul goboleedka Puntland oon xiriir wanaagsan la laheyn dowladda federaalka Soomaaliya ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay ee qaadaca shirka uu maamulada ku casuumay Madaxweyne Farmaajo.
Casuumaadda Madaxweyne Farmaajo u fidiyay maamul goboleedyada ayaa timid xilli Aqalka sare ku baaqay in shir deg deg ah isugu yimaadaan Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada si looga arrinsado doorashooyinka dalka ka dhaceyda.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here