waxaa maanta dalka Tanzania gaaray 9 cayaaryahan oo ka tirsan xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 20-ka sano.

Tirada guud ee xubnaha xulka qaranka ee hada ku sugan Tanzania waa 11, iyadoo kuwo kalana ay gaari doonaan saacadaha soo socda.

Xulka Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya tartanka is reeb reebka qaramada Africa ee da’doodu ka hooseyso 20-ka sano oo sanadkan lagu qabanayo dalka Tanzania.

Cayaartoyda qaranka ayaa u badan dhalinyaro ku dhashay Qurbaha una cayaara kooxo ka kala dhisan yurub iyo waqooyiga Ameerika waxaana soo xulay macalin Saciid Cabdi Haybe oo ah maamulaha guud ee xulka qaranka Soomaaliya.

Waxaa Kale oo hada Tanzania ku sugan Gudoomiyaha wafdiga Eng Cabdisamad Sheekh iyo macalinka qaranka Cabdi xamiid, iyadoo maamulaha guud ee xulka qaranka Saciid Haybe uu maalmaha soo socda gaari doono dalka Tanzania insha Allah.

Somalia National Football

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here