Magaalada Muqdisho ayaa la soo gaarsiiyey 28 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii saakayย  Al-Shabaab ay ku qarxisay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Heyโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka iyo Taliska ciidan xoogga dalka ayaa iska kaashaday soo qaadista dhaawacyada, iyagoo fulinaya awaamiirta madaxda dowladda Soomaaliya.

Xildhibaano, masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir iyo madaxda heyโ€™adda Maareyta Masiibooyinka Qaranka ayaa dhaawacyadaan kaga hortagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here