=XIGASHO BBC SOMALI=

No description available.

Advertisement

Maalmihii lasoo dhaafay dilal kala duwan ayaa laga diiwan geliyay dalka Canada kuwaas oo ka kala dhacay magaalooyin ay soomaali deggenyihiin, iyadoo dhallinyarada la dilayna ay yihiin Soomaali.

Magaalooyinka Edmoton, Calgary iyo Toronto ayey ka dheceen dilalka ugu badan, waxaana boolisku ay sheegeen in ay baaritaan wadaan.

Booliska Calgary ayaa shaaciyay magaca nin Soomaalii ah oo meydkiisa lagasoo saaray hotel isaga oo la rumeysanyahay in la toogtay laguna dilay.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu dhaawac gaaray markii hore kadibna uu goobta ku dhintay.

Baaritaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in ninka la dilay lagu magacaabo Liibaan Cabdiraxmaan oo da’diisu ay ahayd 29 sano jir. Waa dhibbanihii afraad ee lagu dilay gudaha magaalada inta lagu guda jiro sanadkan 2024-ka.

Baarayaashu waxay rumaysan yihiin in tani ay tahay dhacdo lagasoo shaqeeyay maadama qaybaha kale ee hotelka iyo dadka deganba aysan wax cabsi ah la kulmin.

Canada

XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE

Qoraalka sawirka,Goob uu dil ka dhacay

Booliska ayaa sheegay in aysan jirin cid loo soo qabtay falkan, waxaana Isniintii la sii daayay qof lagu xiray goobta uu falka ka dhacay, iyadoo aan wax dambi ah lagu helin.

Dhinaca kale magaalada Edmoton waxaa gaari xamuul ah oo kuwa loo yaqaanno taraagga meydkiisa laga helay nin Soomaali ah oo isna la rumeysanyahay in la dilay.

Booliska magaaladu waxay aqoonsadeen Maxamed Cabdi oo 32 jir ah in uu yahay qofka la toogtay.

Cabdi ayaa la sheegay in si bareer ah loo toogtay taasina ay sababtay geeridiisa kadib rasaas lagu furay, dilkiisa ayaa noqonaya kii sagaalaad ee sanadkan 2024 gudihiisa ka dhacada magaalada, sida ay sheegeen boolisku.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in gaari cad oo nooca xamuulka qaada ah uu goobta ka baxsaday.

Booliska ayaa weli baadi goobaya cid kasta oo goobta ku sugneyd ha haado qof gaari wada ama qof iskiis u socda, iyagoo raadinaya macluumaad badan.

Sidoo kale magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa laga diiwan geliyay dil saameyn badan isla markaana hadal heyn badan dhaliyay kadib markii hooyo iyo aabe horay looga dilay wiil ay dhaleen markii labaad ay la kulmeen dhacdada dilka.

Nin 30 jir ah ayaa u geeriyooday kadib toogasho lagula eegtay meel u dhow waddooyinka Queen iyo Portland isaga oo saddex jeer xabadd lagu dhuftay.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdikariim oo reer Toronto ah.

Dambi baarayaasha ayaa sheegay in toogashada ay ka dhacday bartamaha waddada taasina ay keentay in dadku ay kala cararaan si qof waliba uu naftiisa u bad-baadiyo. Eedeysanaha ayaa gaari ku baxsaday isaga oo ku cararay waddo mugdi ah waxaana ilaa iyo haatan aan la ogeyn xiriirka ka dhexeeya eedeysanaha iyo dhibanaha.

Canada

XIGASHADA SAWIRKA,WARBAAHIN MAXALLI AH

Qoraalka sawirka,Dilalka Soomaalida Canada

Hooyo Shamso oo dhashay Ibraahim Cabdikariin Horayna looga dilay wiil kale oo ay dhashay ayaa mar ay BBC-da la hadleysay dilkii hore kadib waxa ay tiri, “Hooyo ahaan dareenkeyga ma ahan mid la qiyaaso karo, mar walba oo ilmo nalaga dilo dabcan waxa aan dareenna xanuun badan, waliba hadda anigu si gaar ah ayey saameyn iigu leedahay maadama wiil aan dhalay la’iga dilay”.

Waxa ay cabasho ka muujisay hannaanka baaritaan ee booliska, kadib dilal badan oo dhacay isla markaana aan xog rasmi ah lagasoo saarin.

“Waxa aan isku dayeynaa in aan wax ka ogaanno sababta ay boolisku xoogga u saari la’yihiin baaritaannada dhacdooyinka lagu leynayo carruurteenna waayo inta badan markii ay dhacdadu dhacdo raad badan lamasii helo” ayey sii raacisay hooyo Shamso.

Shariif xaaji oo ah xildhibaankii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee lagasoo doorto gobolka Alberta ayaa BBC-da uga warramay dhacdooyin dilalka dhallinyarada Soomaalida ee xarkaha soo goostay iyo waxa kaga aaddan ka mas’uul ahaan.

Canada

XIGASHADA SAWIRKA,XILDHIBAAN

Qoraalka sawirka,Xildhibaan Shariif

Xildhibaanka ayaa sheegay in toddobaadkii hore uu arrintan hor dhigay baarlamanka Alberta uuna sidoo kale qorsheynayo in arrimahan uu kala fariisto wasiirka amniga iyo wasiirka cadaaladda.

“Waan ka xunnahay sida ay wax u dheceen, runtii arrimahan dilalka waa ay soo bateen, hase yeeshee arrintan waxa ugu badan ee wax ka qaban karta waa bulshada Soomaaliyeed iyo in ay is garab istaagaan, anigana golaha ayaan kala hadlay, mas’uuliyiinta kale ee ay khuseysana waan qorsheynayaa in aan kala hadlo”, ayuu yiri xildhibaan Shariif Xaaji.

Sidoo kale waalidiin ay arrintan saameysay iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada oo BBC-da la hadlay waxa ay si isku mid ah u sheegeen in dilalka xad dhaafka noqday eel ala beegsanayo dhallinyarada Soomaalida ah ay hadda taagantahay xilli aan laga aamusi Karin.

                       =XIGASHO BBC SOMALIA=

Previous articleMadaxweynaha oo la hadlay Ciidamo furimaha dagaalka ku sii jeeda+SAWIRRO
Next articleMuxuu yahay shirka asbuuca soconaya ee Wasiirka Maaliyadu kaga qeybgalaayo USA+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here