Dawlada UK ayaa kadalbatay Golaha Amaanka ee Q.midoobay shir deg deg ah, kaasoo looga hadli doono xaalada ismari waaga siyaasadeed ee ka jira doorashada dalka iyo dhamaanshaha Mudo xileedka Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo hay’adaha kale ee dalka, kuwaasoo uu ku ekaa 8bishan Feb.

Fadhigan oo ay dalbatay boqortooyada Britain oo ka mid ah shanta dowladood ee Joogtada ah ayaa waxaa go’aan looga gaarayaa mowqifka ay Qaramada Midoobay ka qaadanayso arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan xaaladda kala guurka ah ee la galay.

Sidoo kale kulankan deg-degga ah ayaa waxaa lagu dajin doonaan qorshe siyaasadeed oo ku aadan jiheynta xaaladda Soomaaliya.

Dhinaca kale afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa sheegay inay weli u arkaan inay kulmi karaan madaxda Soomaaliyeed, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la helo heshiis siyaasadeed oo dhab ah.

“Wadahadalka dhammaan dhinacyada arrintaan khuseyso waa lama huraan waana in la helo heshiis cad oo ballaaran oo ku saabsan halka loo socdo iyo dhabbaha loo marayo.
Dawlada ingiriiska ayaa qorsheysay kalfadhi looga doodayo amniga iyo Xasiloonida Soomaaliya oo ku taariikheysan 22-ka Febaraayo kahor inta aan la cusbooneysiin Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ku beegan 28-ka Febaraayoo 2021.” ayuu yiri Stephane Dujarric.

Kulankan Golaha Amaanka uu kaga hadlayo xaalda soomaaliya ayaa la filayaa inay ka soo baxaan amarro cad cad oo lagula hadlayo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo madaxda dawlad goboleedyada, kuwaasoo ku fashilmay inay heshiis kagaaraan in dalka ay ka dhacdo doorasho wada ogol ah.

Allaw sahal umuuraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here