Gaari la sheegay in laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa ayaa caawa ku qarxay meel u dhexeysa isgoysyada Km4 iyo Taleex ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qarxay looga tegay goobtaas oo uu saacado badan yaallay.

Ciidamada amaanka DF ayaa ka xiray goobtaas dadka iyo gaadiidka ka dib markii lagu war geliyey inuu halkaas yaallo gaari laga shakisan yahay.

Lama oga in gaarigaas ay qarxiyeen ciidamada amaanka iyo inuu iskiis u qarxay, lamana soo sheegin weli khasaare ka dhashay maadaama markii hore goobtaas laga fogeeyey dadkii ka dhowaa iyo gaadiidka.

Laamaha amaanka DF ayaan weli ka hadlin qaraxan oo aan la ogeyn cida la doonayey in lala beegsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here