Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ee meelaha fogfog laga hago ayaa waxaa uu Maanta Barqadii ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay Gaari Qooqan ah oo uu watay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Jubbaland xilli uu marayay inta u dhaxeysa degaannada Baarka iyo Buulo-Guduud.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxa ayaa waxaa ay sheegeen inay ku dileen Sarkaalka xukuma Ciidamada Jubbaland ee Aaga degaannada Baarka iyo Buulo-Guduud iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa kadib ay maqlayeen dhawaqa rasaas ay ridayeen qaar kamid ah Ciidamada qaraxa lala beegsaday, waxaana dhaawacyada askarta la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here