Muqdisho (dayniiile.com)-Warar kala duiwan oo laga helaayo deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu saaka aroortii ka dhacay qarax weyn.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada ee ku sugan halkaasi ay saaka fashiliyeen gaari walxaha qarxaha laga soo buuxshay markii ay rasaas ku fureena uu qarxay.
Advertisement
Warar kale ayaa sheegaya in gaari ay wateen ciidamada Dowlada uu ku qarxay deeganka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.
Ma jirto wax cadeynaya nuuca uu ahaa qaraxa saaka ee wararka kala duwani ka soo baxayaan,balse wararkeena xiga ayaad idinku faahfaahin doonaa hadii Rai idmo.
XAFIIKA WARARKA
DAYNIIILE.COM