Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb, James Swan ayaa Maanta  magaalada Kampala kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Uganda, Oryem Henry Okello.

Amb, James Swan ayaabka mahad celiyay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka Kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo baahida loo qabo sii wadidda taageerada gobolka iyo midda caalamiga ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Uganda, Oryem Henry Okello ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Wakiilka Qaramada Midoobay taageerada Qaramada Midoobay ay siiso Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo la dagaalama Al-Shabaab.

Dowladda Uganda ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha Ciidamada u soo diray Soomaaliya, waxaana ka jooga Ciidamada ugu badan ee ATMIS, kuwaas oo ka howlgalla intooda badan Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here