Afhayeen Xafiiska UNSOM ayaa ka jawaabay go’aankii Dowlada Somalia ay ku dalbatay in lagu xiro Xafiiska taakulada Somalia ee Qaramada Midoobe (UNSOM).

Af-hayeenka oo wareysi siiyay idaacada VOA-da laanteeda Afka Somaliga ayaa ugu horeyn sheegay in go’aanka Dowlada uusan lama filaan ku noqon.

Advertisement

Af-hayeekka wuxuu carabka ku adkeeyay in talaabada Dowlada Somali ku timid shaqada waxtarka leh ee UNSOM ka qabatay taageerada ah siiyeen Maamul Goboleedyada.

“Arintaani waxay  qeyb ka ahayd qorshe mudo socday oo la xiriira kala guurka xafiiska”ayuu yiri Afhayeenka u hadlay UN-ka.

Af-hyeenka wuxuu intaasi ku daray in UNSOM ku joogta Soomaaliya go’aanka Golaha Ammaanka ee QM sida howlgalada kale ee gaarka ah,dhamaantoodna wuxuu sheegay in  waqtigoodu ku egyahay markii uu dhamaado mudadii hore loogu asteeyay ama uu soo baxo go’aan la mida kan  hada soo baxay.

Dowlada Somalia ayuu sheegay Af-hayeenku  inay hada wadaha hadalo kula jiraan isla markaana ay xili kasta diyaar ula yihiin inay taageeraan.

Dhanka kale Af-hayeejka wuxuu xusay In Xafiiska UNSOM kaliya uu quseeya dalabka Dowlada balse shaqadooda sii wadan doonaan xafiisyada kale ee Qaramada Midoobe islamarkana Qaramada midoobe ah sii wadi doonto taageeradeeda Somalia.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here