Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadaa Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maalmahan safar shaqo ku jooga Caasimada dalka Kenya ee Nairobi, ayaa maanta kulan la qaatay xildhibaanadda Soomaaliyeed ee ku jiro Barlamaanka Kenya.

Ra,iisul Wasaare Xamsa ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dalka, gaar ahaan danaha dadka Soomaaliyeed ee kuwada nool labada dalka.

Advertisement

Mudane Xamsa ayaa sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed laf dhabarka u yihiin xariirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay muhiim tahay sii xoojinta xiriirka ku dhisan isdhaafsiga danaha labada dal.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here