Nin dabley ah oo ku lebisnaa direyska Ciidamada oo baaranayey dad shacab ah ayey Tacshiirad is dhaafsadeen Ciidamada Amniga Xaafada Xararyaale ee Degmada Warta Nabada. Agagaarka isbartiibada Munashiibiyo fiidnimadii Caawa

Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan halka ay wax ka dhaceen ayaa sheegaya in Rasaastii uu furay Ninka Dableyda ahi uu ku geeryooday Nin ka mid ah dadka xaafada. Halka dhowr ruux oo ku dhaawacmay loola cararay Isbitaalka Jazeera oo aan goobta Shilku ka dhacay aan ka fogeyn.

Ciidamada Amniga ayaa wada baadi goobka Ninka Burcada ah oo qudhiisu ku dhaawacmay is risaaseynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here