Qoor-qoor oo Farmaajo ku ag qaday una qaraab tegay Imaaraad

0

Waxaa shalay galab safar deg deg ah oon horey loo sii shaacin magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ugu ambo baxay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo Muqdisho u yimid shirka Madaxda Dowlada iyo maamulada.

Safarka deg dega ah uu Madaxweynaha Galmudug ku aaday dalka Kenya ayaa abuuray shaki badan, waxaana soo baxaya in Madaxweynaha ujeedka Kenya u aaday aheyd in uu la balansanaa saraakiil katirsan dowlada Imaaraadka Carabta.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Qoor Qoor kula kulmay hotel kuyaala magaalada Nairobi saraakiil katirsan dowladda Imaaraadka Carabta uu hogaaminayay Xuseen Darwiish Al-Shamsi oo ah Madaxa Mukhaabaraadka Imaaraadka u qaabilsan Geeska Afrika.

Ilo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Galmudug ayaa laga soo xigtay in kulanka Madaxweynaha Galmudug iyo saraakiisha Imaaraadka uu ahaa balan horey u taalay sidaa darteed laga maarmi waayay in Madaxweynaha safar deg deg ah u baxo.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha Galmudug oo raadinayay xiriirka dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kala hadlay saraakiishan sida uu xiriir u dhax mari lahaa labada dhinaca loogana taageeri lahaa Galmudug arrimo badan oo muhiim u ah xiligan.

Qoor Qoor ayaa dowladda Imaaraadka Carabta ka codsaday iney gacan ka siiso dhismaha dekadda Hobyo oo horey ay u ballan qaaday in ay dhiseyso dowladda Qadar balse ka gaabisay, waxa uu sidoo kale ka codsaday in dhanka ciidanka ka taageerto.

Kulankan qarsoodiga ah ee Madaxweynaha Galmudug iyo saraakiisha Imaaradaka dhax maray ayaa abuuray shaki badan, lamana oga sida dowladda federaalka oo xiriirka u jartay Imaaraadka uga falcelin doonto talaabadan uu qaaday Madaxweyne Qoor Qoor.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa xiriir toos ah la leh dowladda Imaaraadka Carabta halka maamulada kale ee taageera dowladda federaalka aysan wax xiriir ah la laheyn dowladaasi .

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la filayaa inuu maanta dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo la filayo inuu maanta ka furmo Muqdisho.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here