Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya, taliska booliska AMISOM iyo guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland).

Rooble ayaana kala hadlay taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo kan ciidamada AMISOM  fududeynta iyo amniga doorashada aqalka sare ee Somaliland oo toddobaadkan ka bilaabaneysa magaalada Muqdisho.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Rooble ayaa sidoo kale guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland) ku booriyay howsha ay hayaan, waxa uuna kula dar daarmay in doorashada u qabtaan si cadaalad ah.

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ku matalaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka dhacdo, waxaana Senatarada Aqalka Sare ee Somaliland dooranaya ergooyin lasoo xulay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here