Ra iisal waaare Maxamed Xuseen Rooble oo maal maalhaan waday isku shaandheen dhanka Dowlada ah ayaa u muuqda in uu Dowlada isku dheeli tiraayo madaama wasiiro shaqooyin laga doonaayey gaabis noqoyay shaqadooda

Wasiirada Rooble uu doonaayo ayaa ah

Wasiirka Qorsheynta oo mudooyinka ka shaqeynaayey Madaxyooyada halka loo igmaday qorsheynta guud ee dalka

Wasiir Jamaal ayaa xilka laga qaadayaa  iyadoona loo magacaabayo shaqsi gacan saar la leh Madaxweyne Dani

Wasiirka kale ee xilka laga qaadayo ayaa ah Wasiirka Maaliyada oo lagu tuhmayo ku  tagri fal dhanka dhaqaalaha iyadoo lagu heysta lacagtii badneyd uu u diray gabarta uu adeerka u ahaa ee ku Nooleed dalka Ustareliya iyadoona lagu badalaayo shaqsi kale oo ku heeb ah

Wasiirka kale ee xilka weyn doono ayaa ah wasiirka Arimaha Gudaha oo sida la sheegay waxba ka qabana arimihii loo egmaday ee  dib u heshisiinta iyadoona Dalka dib ugu noqday dagaaladii Sokeeye

Warar hoose ayaa sheegayo in lagu badalayo Shanbalooshe oo ay isku heeb yihiin

Dhanka kale waxaa socoda qorasho uu shaqada uga joojinaayo wasiirka Amniga dhawr taliye Ciidan Boliis kuwaa oo aan wali soo shaac bixin  shaqsiyaadka miiska saaran ee xilalka laga xayuubinaayo

Ra iisal wasaare Rooble oo maal mahaan dagaal kula jitay Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u muuqda in uu Seefta galka kala baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here