Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif loo magacaabay Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Wasiirka cusub, ayaa waxa uu hore usoo noqday Wasiirkii wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha, sidoo kalena waxa uu noqday Ra’iisul-wasaare kuxigeen xilligii xukuumaddii Badbaado Qaran.

Sidoo kale Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa haawaneysa tan iyo markii uu Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada loo soo badalay uu ku gacan seyray booskaas, kadib markii ay arrin hor leh isku khilaafeen Oomaar iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here