Waxaa caawa magaalada Muqdisho ku kulmau Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Musharax madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.
Wararka ayaa sheegaya in kulankan intii uu socday Ra’iisul wasaaraha iyo Sheekh Shariif ay iska wareesteen arimo ku aadan inay dalka ka dhacdo doorsho xasiloon oo loo dhanyahay.

Markii uu soo dhamaaday kulankaas waxaa faahfaahin ka bixiyey afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Mucalimuu, isagoo sheegay in kulankaan diirada lagu saaray duruufaha uu maanta dalku marayo, gaar ahaan xasaradihii dhawaan ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

“Labada masuul waxay ka wadahadleen duruufaha haatan dalku ku jiro, amniga caasimadda, xasilinteeda iyo sidii horay loogu socon lahaa, iyadoo la ogyahay in dhawaan ay ka dhaceen xasarado, waxaana ra’iisul wasaaraha ka go’an in wax walba nabad lagu dhameeyo, diyaar garowna loo sameeyo shirarka Qaran ee dib u heshiisiinta ee dhici doona, waxuuna sii wadayaa kulamada iyo xiriirka uu la yeelanayo siyaasiyiinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Mucalimuu.n.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here