Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta kormeeray xarunta ay ka shaqeyn doonaan Golaha Wasiirada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo dhismihiisa heer gabogabo maraya

Dhismahan oo ah Xaruntii Xisbiga ee ku taal degmada Warta Nabadda ayaa waxaa muddo sanado ku socday dhismo iyo ballaarin waxaana uu ka mid ahaa mashaariicdii ay maalgelisay dowladda Qatar ee Xukuumaddii hore ay ugu deeqday.

Raiisul Wasaarihi hore Mudane Xasan Cali Khayre ayaa balan qaad u sameeyey xiliga loo magacaabay xilka Raiisul Wasaaranimada ayuu kamid ahaa mashruucaaan waxaan lagu xasuustaa in uu si deg deg ah u fuliyey qorshihiisa ahaa in xukuumaadda ama golaha wasiirada ay helaan xarun u gaar ah maadama ay dowladdnimada ku kooban tahay dhinaca madaxtooyada qaranka si loo gaarsiiyo bulshada kale hanaanka dowladdnimada.

Inta uu kormeerku socday waddooyinka qaar ayaa la xiray iyadoo hakad uu galay isku socodka waddooyinka ka agdhaw goobaha uu kormeeray Rooble.

Sidoo kale RW Rooble waxaa ku wheliyay socdaalka kormeerka ah, masuuliyiin ka tirsan Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here