Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada kala hadlay sidii gurmad degdeg ah loo gaarsiin lahaa deegaannada abaarta ka jirto ee DG Jubbaland oo xaalad halis ah ka taagan.

Wasiirada kulanka ka qaybgalay waxaa kamid ah, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda XFS, Fawsiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka XFS, Cabdixakiin Ashkir Wasiiru Dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu ku dhawaaqay in Xukuumaddiisa labada cishe ee soo socda ay bilaabeyso gurmad degdeg ah oo la geynayo Deegaannada ugu daran ee abaartu saameysay.

Hay’adaha Samafalka, Mas’uuliyiin kala duwan ee Dowladda, qaybaha Bulshada & Cid weliba oo gacan ka geysan karta ayuu ka dalbaday in kaalin ka qaatado si loo gacan qabto qoysaska abaartu saameynta taban ku reebtay.

“Xaqiiqdii dhawaqa nasoo gaarayo aad ayuu u sareyaa waxa uu muujinayaa saameynta Abaarta, waxa aan umadda Soomaaliyeed u sheegayaa in ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah, Xukuumadda Soomaaliya berri ama berri dambe gurmad ayay u direysaa” sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Abaartu waxa ay saameysay Dadka waxa keliya ay u baahan yihiin waa in degdeg loogu gurmado, Xoolihii wey baaba’een, biyo la’aan ayaa ka jirto Deegaannada, Hay’adaha Samafalka & cid weliba oo gacan ka geysan kartaa waxa aan ugu baaqayaa in ay gurmad sameeyaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here