Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo Safiirka ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaadshiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Advertisement

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Previous articleAGAASIMAHA CUSUB EE MADAXTOOYADA QARANKA OO MAANTA XILKA LA WAREEGAY
Next articleWar degdeg ah: Madaxii kooxda Wagner ee Ruushka oo shil ku dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here