Muqdisho, Oktoobar 29, 2023: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay Sannadguurada 100-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Jahmuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Ra’isul Wasaare Xamsa oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho oo lagu maamusayey sanad-guuradan ayaa ka hadlay xiriirka sooo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo ah mid ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo.

Advertisement

“Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir istiraatijiyadeed oo sal adag leh, gaar ahaan waxay labada dal iska kaashadaan dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada”.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey dowladda Turkiga garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan Soomaaliya ayaa tilmaamay sida shacabka iyo dowladdeennu ay farxaddooda ula qeybsanayaan, taas oo ka tarjumeysa tiirarka adag ee ka dhexeeya labada dhinac.

Previous articleMadaxweynaha Gal-mudug oo saxiixay heshiisyo kala duwan
Next articleBooliiska Dhuusa-mareeb oo gacanta ku dhigay Gacan ku dhiigle dil ka gaystay Xamar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here