Raisal Wasaaraha somaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta booqday Xarunta NISA ee magaalada Muqdisho ayaa halkaas uga dhawaaqay in Kiiska Ikraan Tahliil in uu ku Wareejiyay Xeer ilaaliyaha Guud ee maxkamada Ciidamada qalabka sida.
Rooble oo garab taagan Taliyaha KMG NISA Yaasiin farey ayaa ka codsaday in ay la shaqeeyaan si dhaw Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida.
“ Waxaan rabaa in aan halkaan ka sheego in Kiiska Ikraan oo noo taagan aan maanta ku Wareejiyo Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka sida, waxaana rabaa in NISA ay si dhaw ula shaqayso,Maxkamada Ciidamada qalabka sida albaabadana loo furo si dhaw aad ula shaqaysaan Xeer Ilaaliyaha maxkamada Ciidamada qalabka sida”ayuu Yiri Rooble oo garab taagan Taliyaha KMG ee NISA yaasiin farey
Sidoo kale arintaan ayaa waxay sii fududeynaysaa in Marxuumad Ikraan tahliil ay hesho cadaalada, wallow aan la ogeen halka lagu duugay Maydkeeda.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here