Madaxda beesha caalamka ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Mareykanka ee Joe Biden, kaasi oo xalay si rasmi ah ugu guuleystay doorashada Madaxtinimada dalkaas.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wsaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa hambalyo loogu diray Joe Biden oo ku guuleystay tartankii Madaxtinimo ee Mareykanka iyo Kamala Harris oo noqoneysa Madaxweyne ku-xgieenka dalkaas.

Ra’isul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden iyo Kamala Harris oo iyana loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, isagoo xusay inay sii xoojin doonaan xiriirka diblomaasiiyadeed iyo kan saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxda dalalka Faransiiska, Norway iyo kuwa kale ayaa si wada jir ah u hambalyeeyay Joe Biden iyo Kamala Harris, waxaana qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Mareykanka ka socda dabaal degyo lagu muujinayo guusha ay gaareen hogaamiyeyaasha Xisbiga demoqraadiga ee kala ah Joe Bide iyo Kamala Harris.

 

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here