Ra’isul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern oo kui ayaa sii heyn doonta talada dalka

0

Ra’isulwasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa sii heyn doonta talada dalka, ka dib markii ay Sabtida maanta ah natiijo taariikhi ah ka soo hoysay doorashadii guud ee maanta ka qabsoontay dalkaasi.

Iyadoo la tiriyay inta badan codadka la dhiibtay, ayuu xisbiga Liberal Labour Party ee ra’isulwasaare Ardern helay 49% codadkii dadka codeeyey, halka xisbiga sida aadka ah ula tartama ee muxaafidka ahi uu helay 27% codadkii la dhiibtay.

Caadiyan dalka New Zealand xisbiga talada haya ayaa ku tiirsanaan jiray axsaabta kale ee ku soo xigta si uu dowlad wadaag ah u dhiso, haseyeeshee xisbiga shaqaalaha ayaa guusha xoogga leh ee uu doorashadii maanta ka soo hooyay darteed, aanan u baahnaan doonin in uu axsaab kale la wadaago dowladda.

Khudbad ay boqollaal ka mid ah taageerayaasheeda kula hadashay magaalada Auckland, ayay Ardern ku sheegtay in xisbigeeda uu helay taageeradii ugu badnayd muddo 50 sano oo uu xisbi ka kasbado shacabka New Zealand.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here