Raysal-wasaare hore Xasan Cali Kheyre “Waxaan murugada la qeybsanayaa dhammaan ganacsatada ku hanti-beelay iyo shacabka ay waxyeeladdu kasoo gaartay dabka caawa ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

Waxaan Allah ka baryayaa in dadka hantidoodii ku waayay uu siiyo badal kheyr qaba oo deg-deg ah inta waxyeelo kale uu dabku u geystayna uu u booga dhayo.

Hey’addaha dowliga ah ee Somaliland iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka waxaan ugu baaqayaa inay garab istaagaan oo ay gacan walaalnimo u fidiyaan reer Hargeysa oo caawa oo ah habeenka koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan ay u tahay habeen murugo badan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here