Magaalada Beijing waxay ka mid tahay magaalooyinka hawadooda ay ugu wasakhda badan yihiin caalamka. Balse waxaa jira maalmo cirku aanu caad lahayn, qoraxdana si wanaagsan loo arki karo. Waa maalmaha ay caasimaddaas martigelinayso kulamada caalamiga ah.

Taasi ma ahan mid u dhacda si lama filaan ah.

Dowladda Shiinaha ayaa muddo sanado ah waxay isticmaalaysay barnaamijyo ay wax uga bedalayso cimilada. Bishii Disembar waxay qaaday tallaabo kale, iyada oo ku dhawaaqday qorshayaal ay ugu ballaarinayso barnaamijka cimilo-bedalka guud ahaan dalkeeda.

Qorshaha dowladda ayaa ah in sanadka 2025 uu 60% dhulka Shiinaha ka da’o roob macmal ah

 

Balse qorshahan ayaa walaac ku haya dalalka dariska la ah sida Hindiya, iyada oo tiknolojiyaddan ay saamayn ku yeelan karto xiisadihii horayba gobolka uga taagnaa.

 

Roob yaa iska leh?

Bayaan ay soo saareen guddi qaran oo barnaamijkan loo xilsaaray ayaa 2-dii Disembar shaaciyay qorshaha lagu ballaarinaayo waxna looga bedalayo cimilada Shiinaha.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in barnaamijkan uu caawin doono wax soo saarka beeraha, keymaha iyo ka hortaga masiibooyinka maxaliga. Balse dowladda weli faahfaahin dheeri kama aysan bixin.

Iyada oo laba bilood laga joogo markii la soo saaray bayaanka, ayaa Shiinaha waxa uu hirgeliyay barnaamij wax looga bedalayo cimilada sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Shiinaha ayaa si weyn u maalgeliyay qorshahaan iyada oo uu jiray walaac badan oo laga qabay, xilli xiisadaha dalalka deriska kala dhaxeeya ay sii kordhayaan.

“Waxa ugu badan ee walaaca abuuraya ayaa ah saamaynta ka dhalan karta tiknolojiyaddan iyada oo laga cabsi qabo inay dhibaatayso qayb ka mid ah dalka dariska ee Hindiya. Balse ma jiraan ilaa hadda baaritaanno arrinkaas cadaynaya,” ayuu yiri Dhanasree Jayaram oo falanqeeya arrimaha cimilada.

Khubarada ayaa sheegaya in qorshahaan uu si fudud ku meel mari lahaa haddii xiriirka labada dal uu ahaan lahaa mid wanaagsan.

Milateriga labada dal ayaa muddo tobannaan sano ah isku heystay dhulka buuraleyda ah ee u badan gobol aan la degganeyn.

Ciidammadoodu ayaa si fool ka fool ah isaga hor imaanayay meelo badan oo ka tirsan xadka dheer ee ay wadaagaan.

Shiinaha iyo Hindiya ayaa sanadkii 1962-kii waxaa dhex maray dagaal salka ku hayay xuduuda ay wadaagaan.

Sanadkii 2017-kii, labada dal ayaa sidoo kale waxaa ay ku dagaalameen gobolka kadib markii Shiinuhu isku dayay in uu ballaariyo wadada xadka marta iyada loo marayo buurta lagu muransan yahay.

Inta badan waxaa xuduudka labada dal laga maqlaa rasaas ay is waydaarsadaan ciidamada is guulguulaya ee gaaf wareegaya aaga ay wadaagaan si qolo walba ay u xajisato xuduudkeeda. markii Shiinuhu isku dayay in uu ballaariyo wadada xadka marta iyada loo marayo buurta lagu muransan yahay.

Inta badan waxaa xuduudka labada dal laga maqlaa rasaas ay is waydaarsadaan ciidamada is guulguulaya ee gaaf wareegaya aaga ay wadaagaan si qolo walba ay u xajisato xuduudkeeda.

Roob “xatooyo”

Baarayaal ka socda Jaamacadda Taiwan ayaa ku sheegay warbixin la daabacay 2017-kii in isku xirnaan la’aanta howlaha wax ka qabadka cimilada ay horseedi karto eedeymo ah “xatooyada roobka” ee u dhaxeysa dalalka deriska ah.

John C. Moore, oo ah khabiir ka tirsan Beijing Normal University ayaa ku doodaya in aanay jiraan wax cadeymo cilmiyaysan oo taageeraya eedeymaha noocan ah.

 

Uma maleynayo in tikniyoolajiyadda lafteeda ay tahay mid laga naxo. Waxay noqon kartaa mid waxtar leh. Dal walibana wuxuu leeyahay madax-bannaanida dhulkiisa. Laakiin dhibaatadu waxay imaaneysaa markaad si keli ah u sameyso. Maxaa dhacaya, tusaale ahaan haddii ay wax ka khaldamaan tiknoolajiyadda noocan ah?” ayuu yiri Jaram oo ah saynisyahan.

Jayaram wuxuu leeyahay qaab caalami ah oo lagu xakameeyo dhaqamadaas iyo isku dhacyada suurtagalka ah ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay.

 

 

Office Nairobi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here