Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta hadal ka jeediyey kulankii Gollaha Wadatashiga Qaran iyo Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay ee u dhaxeeya isaga iyo Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa beesha caalamka uga mahadceliyey sida ay ugu taageereen in baaritaan sax ah lagu sameeyo kiiska Ikraan Tahliil.

Rooble ayaa kulankaas ka sheegay inuu aad uga xunyahay xaaladaha siyaasadeed ee maalmahan dalka ka jiray, kadib khilaafkii ka dhex qarxay isaga iyo Farmaajo, xilli uu dalku ku jiro doorashooyin.

Waxa uu balan qaaday inuu dadaal ku bixin doono ka hortagga xiisad ka dhalata khilaafka u dhaxeeya xafiisyada ugu sareeya dalka, isla markaana uu xaaladaha taagan u maareyn doono si xilkasnimo iyo miyir leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here