Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddiyada hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Federaal (FEIT), (SEIT) & kan xalinta khilaafaadka uga digay in ay ku milmaan siyaasadda.

Rooble ayaa guddiyadaan usoo jeediyay in aysan ka tallaabin shuruucda iyo habraacyada loo dejiyay si Doorashada Dalka ay u noqoto mid hufan oo cadaalad u dhacda sida uu hadalka u dhigay Wasiirka koowaad ee XFS.

“Habraacyada & heshiisyada Doorashooyinka waxaa ku xusan madaxbanaanida guddiyada waxaa aan idin kaga digayaa ku milanka siyaasadda, saddexda Guddi waxa aan ka rabaa in aysan ku milmin Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Cadaaladda & xalinta khilaafaadka ayaan rabnaa marweliba” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la wareegay mas’uuliyadda Doorashada & Amniga Dalka 1dii May 2021 ayaa qabtay kulamo intooda badan looga hadlay dardargelinta Doorashooyinka Dadban.

Golaha Midowga Musharixiinta, Musharixiin & Madax dhaqameed ayaa cabasho ka muujiyay hab maamulka kuraasta qaar ee Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here