Maxamed Xawaadle Madar waxaa xilka RW loo magacaabay waqti Madaxweynihii Kalitaliska haa ee M S Barre xaaladu ku xuntahay dalkuna kusii siqayo inuu galo dagaalo Jabhado kasoo horjeeda xukunka Rajiimkii
Hase ahaatee M Xawaadle Madar wuxuu heeystay fursad qaali ah uu ku badbaadin karey dalka iyo dowladnimada ineysan burburin si toos ahna u isticmaalo awooda Raysalwasaare uuna wajaho xalinta waxyaalaha keenay dhibta wadahalna la furo Jabhadaha Mucaaraka ah isagoo waxbadan ka bedelaya qaabka ay u dhisnaayeen Golaha Wasiirada Taliyeyaasha Ciidamada iyadoo lagu saleeynayo awood qaybsiga Soomaalida iyo dadka xilalka cusub loo magacaabayo in lagasoo kala magacaabo 3 dhinac oo kala ah 1. Xukuumada
2. Mucaaradka 3. Bulshada Rayidka ah si loo helo kalsoonida Shacabka iyo tan Siyaasiyiinta lkn Xawaadle Madar ma yeelin sidaase wuxuu bilaabay inuu ka amar qaato M S Barre marka uu hadlayo ama go,aamo soo saarayo wuxuu isticmaali jirey kuwii hore Siyaad Bare looga bartay dabeetana wuxuu isla markiiba lumiyey inuu helo wax kalsooni ah uu ka helo Shacabka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyed.
Sidoo kale RW Rooble oo maanta heeysta fursad tii Xawaadle Madar lamida oo weliba isaga ay aad ugu han weeynaayeen Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyed una arkayeen haduu isticmaalo awoodiisa RW toosna u abaaro xalinta khilaafka taagan ayaa waxaa noo muuqanaya inuusan ka faaiideeysan karin fursada uu heeysto isagoo hada sii luminaya kalsoonidii Shacabka iyo Siyaasiyiinta ku qabeen wuxuuna bilaabay inuu u dhaqmo sida M C Farmaajo oo ah kii marka hore dhibaatada keenay go,aanada iyo hadalka Rooble markaad u fiirsato waxaa kaaga sawir maya Farmaajo

Xigasho Shariif Maxamed Ahmes

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here