Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhowaan howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka billaabanayaan Deegaannada Dowlad-Goboleedyada Jubbaland & Koofur Galbeed si loogu xiro kuwa ka socda Hir-Shabeelle & Galmudug.

Xamsa ayaa sheegay in howlgallada ka billawday Basra & deegaannada ku dhaw Degmada Balcad kasii tallaabay Gobolka Shabeelaha Dhexe, Galmudug ayuu tilmaamay in dhowaan lagu xiri doonno waa sida uu hadalka u dhigay.

Dowlad-Goboleedyada Jubbaland & Koofur Galbeed ayuu sheegay in dhowaan uu ka billaaban doonno howlgallo abaabulkooda socda, Xukuumaddiisa ayuu shaaciyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre in ay ka go’an tahay mas’uuliyadda ka saaran sugidda Amniga.

“Dagaalkii ka billawday Basra, Xawaadley Balcad dhinaceeda shishe in uu hadda sii marayo sida aad wada aragteen Ruun-nirgood iyo meel kasii fog oo aan rajeynayo in Galmudug meelaha ay khawaariijtu uga harsan tahay laga tirtiri doonno, Jubbaland & Koofur Galbeed waxaa si dhaqsi ah uga billaabanaya howlgallada xorreynta, wixii hadda ka dambeeya dalka usoo socosho meeyee ma jiro kasii socosho ilaahey idinkiis” Xamsa Cabdi Barre.

RW XFS ayaa Haweenka ugu baaqay in ay xoojiyaan garab-istaagga ay u muujinayaan Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka sida taariikhda ku sugan illaa halgankii Xaawa Taako sida uu hadalka u dhigay wasiirka koowaad ee XFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here