Ra’iisul Wasaare Xamse  Cabdi Barre ayaa ka hadlay guulaha ciidamada dawladda kasoo hooyeen duulaankii ugu dambeeyey ee maanta lagu xoreeyey deegaano iyo degmooyin katirsan Galmudug oo sanado badan al shabaab katalinayeen.

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Koobaad Ee XFS ayaa lagu sheegay in tani ay muujineyso shabaab iyo argagaxiso oodhan ay dhawaan tirtimi doonaan.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa ciidammada Qalabka sida iyo kuwa shacabka oo geesinimo iyo ka go’naanshiyo ay muujiyeen u sahashay in maanta degmo kale oo muhiim ah laga xoreeyo Khawaarijta ragaadisay horumarka dalkeenna iyo midnimada ummadeenna.

Dhiiranaanta shacabkeenna, Geesinimada ciidankeenna iyo ka go’naanshiyaha Madaxda Dowladda oo isbiirsaday waxay sahashay in cadowgii ummaddu kujabo muddo kooban, loogana qabsado dhul ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here