Kismaayo waxaa ka socdo kulan doceedyo ilaa saaka soo bilowday kuwaas udhaxeyo madaxa Jubaland iyo wefdiga Madaxweyne Xasan Sheikh.
Dooda kulamada ayaa iskugu jiray dhowr nooc oo kala ah.
1- Dowladda Faderaalka inay Kismaayo geyn rabto ciidamo labo kun ah oo qeyb ka noqdo howalgalka Al-Shabab loga xoreynayo Jubooyinka balse Axmed Madoobe udiiday isago dalbaday in dhaqaalaha iyo hubka lasiiyo howalgalkana u hogaamiye isaga.
2- Dekada Kismaayo dhawaan waxaa dhismo ku daridono Dowladda Emiraadka saamiga Dekada ka soo baxayo oo ay horey ugu heshiyeen Axmed iyo Emiraad ayuu Madaxweyne Xasan Shiekh ka dalbaday in qeybtiisa laga siiyo balse Axmed sidii Dowladdii Farmaajo uu ugu diiday ayuu markale udiiday dhaqaalaha Dekada in lala qeybsado.
3-Dooda ugu xiisaha badneyd ayaa ah arrinta gobalka Gedo dad badan ay sugayeen in tajiijo laga gaaro madaamo ay soo jiitameysay muddo,Gedo xalkeeda Jubaland iyo DF waa ay ku kala qeybsameen.
•Madaxweyne Xasan Sheikh iyo wefdigiisa dooda arrinta Gedo ay ka qabaan waxay noqotay in Madaxweyne usoo boqdo Gedo muddo labo todobaad ahna laga war sugo xalka Gedo lo marayana uu yahay dib uheshisiin lo qabanayo dadka Gedo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe.
•Argatida Jubaland ay miiska soo saartay ayaa noqotay in Maamulka gobalka iyo maamulada degmoyinka ay umagcowdaa gobalk,DF laga rabo inay qaado xayiraada dulimaad ee gobalka saaran Wefdi Jubaland ahna gobalka utago,Saraakiisha ciidankana lagu amro inay la shaqeyaan Maamuladaasi.
La iskuma fahmin labadaasi qodob oo dhinac walbo waxaa uu rabaa midiisa in la qaato dhamaan kulamadii la yeeshay waxaa ay noqdeen kuwa fashilmay.
Guddi 7 xubnood ayay Jubaland qabtay kuwaas oo mardhow la kulmidono wefdiga DF si mar kale lo furo dooda arrimaha Gedo waxaana Guddiga qeyb ka ah Madaxweyna Axmed iyo Madaxweyne Maxamuud Sayid caawa wax natiijo kama soo bixin waa lagu kala tagey .
Safar Madaxweyne HSM u ku joogo Kismaayo waxaa uusoo kasoontagayaa berito oo ah sabti .
Sida ilo ku dhow ay u xaqiijiyeen Dayniile Som Xasan waxaa uu ubixi donaa Dalka Qadar oo shir ka furmayo wana suurtogal natiijo badan inaysan ka dhalan doodaha socdo.
halkan kalasocda arrimaha Somaliya
Www.dayniile.com