Safiirada Dalka Hindiya u Fadhida Soomaliya marwo Faadumo Cabdulaahi oo Musuq weyn lagu eedeeyey

0

Safaarada Soomalida Dalka Hindiya ayaa inta badan waxba u qaban Soomalida halkaa ku Nool kuwaa oo ka Cabanaayo Safiirada iyo Elyes oo u qaabilsan Safaarada waxaad Socdaalka iyo Jinsiyada

Dadka Soomaliyeed ee u Tago Dhanka Caafimaadka ayaa laga qadaa 1000 Usd oo Fii ah Halkii Safiiradii hore halka Joogtay aan wax lacag ah laga qaadi Jirin waxaana hada lacagtaan ku soo Roogay Safiirada Cudub ee Faadumo Cabdulaahi Maxamud

Dadka Xanuunka ahaanta ugu tagay Dalka Hindiya ayaan xiligaan awoodin in ay Bixiyaan Lacag intaa la eg oo 1000 Doolar oo la ogeyn sababta Safaarda uga qaadeysa

Halkaan ka dhageysa Cabashada

 

Marwo Faadumo oo Safiirka ah Xiligaan Dalka Hindiya ayaa horay u soo aheyd wakiil u Fadhiya Dalka Soomaaliya Xarunta Qaramada Midoobay ee dalka Iswisarland waxaase looga soo racadeeyey ka dib markii Cod loo qaaday Dhulka Yahuuda Xoga ka heysata ee Buuraleyda Golan heyd ee dalka Siiriya laga qabsaday ay u Codeysay Yahuuda ka dib lacag ay qaadatay sida la sheegay

Ka dib waxaa loo badalay dalka Hindiya in ay Safiir ka noqota taa oo Keentay in hadan halkaa ka Bilaawdo Musuq maasuq si weyn ay u dhibsadeen Shacabka halkaa ku Nool ama Daaweynta utagay

Safiirada iyo Elyes oo ah masuilka u qaabilsan qeybta Baasaboorada ayaa wadamada ku teedsan u safro si Soomalida halkaa ku Nool sameynta Baasaboorada uga qaada lacag badan oo Dhan 450 Usd halkii Baasaboor

Hadaba dadka Soomaliyeed ayaa Cabashadooda u dirsaday madaxda ugu sareysa Dalka Soomaliya si ay wax uga qabtaan dhaqan Xumada Safaarada Soomalida Dalka Hindiya

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here