Guddi ka kooban 7 Xubnood ayey magacaabeen Ciidankii hor istaagay muddo korarsiga Farmaajo, kuwaas oo la fadhiisan doonna Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xil gaarsiinta ah ee Rooble iyo dhammaan xubnaha Mucaaradka ah.

Xubnahaan ayaa kala ah :-

1. Gen. Saadaq John
2. Gen. Gacma Dulle
3. Gen. Indha Cadde
4. Kornayl: Saney Cabdulle
5. Kornayl: Ismaaciil Gurey
6. Kornayl: Xaadoole
7. Kornayl: Liibaan Madaxweyne

Waxa ayna soo sareen 9 qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin.

1. In Xukuumadda Rooble ay ka laabato go’aankii ay Ciidanka Muddo korarsiga kasoo horjeeda ay ugu yeertay Meeleshiyaad oo ay sheegaan in ay yihiin Ciidanka Qaranka.

2. in Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada la badalo maadama rag is dagaalay aysan isku talin karin.

3. In aan Ciidamada muddo korarsiga diiday aan laga jari karin Mushaaraadkooda oo ay Qaranka bad baadiyeen.

4. in aan la beegsan karin Saraakiisha iyo Ciidamadaas haddi ay joogan gudaha magaaladda iyo bannaankeeda.

5. in Ciidamada Badbaado Qaran ay goobahooda joogi doonnaan amniga xaafaddahaasna ay sugi doonnaan, Haddi uu weerar uga yimaado dhinaca Ciidan Farmaajo taabacsana aysan gacmaha ka laaban doonin.

Sidee u aragtaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here