Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kusoo bandhigay Ciidamo aad u farabadan, kuwaas oo maamulku sheegay in loogu talo galay inay la dagaalamaan ururka Al-Shabaab.

Ciidamadaan oo dhawaan uu tababar ugu soo xirmay magaalada Baydhabo ayaa waxaa Xarunta Madaxtooyada kula hadlay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Koonfur Galbeed Isaaq Cali Isaaq ayaa u sheegay inay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in Ciidamadan loogu talo galay inay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo laga fulinayo dhammaan waddooyinka iyo degmooyinka u go’doonsan Ururka Al-Shabaab.

Ciidamadan oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Maamulka Koonfur Galbeed uu sheegay inay ka go’an tahay inay fuliyaan howlgallo  ka dhan ah Ururka Al-Shabaab iyo xaqiijinta amniga dhammaan degaannada Koonfur Galbeed.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here