Sawir cusub oo dayax-gacmeedka lagu qaaday oo ay soo bandhigtay shirkadda Maxar Technologies ayay shirkadu sheegtay in Sawiradan ay muujinayaan duqeymihii dhawaan ka dhacay magaalooyinka gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Sawirro la soo uruuriyay maalintii Isniintii ayaa u muuqday inay muujinayaan burbur gudaha iyo hareeraha magaalada Severodonetsk – oo ah barta dagaalka hadda udub dhexaad u ah – iyadoo hubka Ruushku ay hadda diiradda saaray magaalada warshadaha leh ee muhiimka ah.

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here