axaa maanta oo ah 8-da bisha Febraayo ku eg mudo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana xaalada siyaasadeed ee dalka noqotay mid hubanti la’aan ah oo cabsi badan hareesay.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo u badan kuwa kasoo jeeda beelaha Muqdisho ayaa marar badan ku cel celiyay in 8-da Febraayo kadib aysan Madaxweyne u aqoonsaneyn Farmaajo ayna ka shaqeenayaan sidii uu xilka uga degi lahaa.

Xalay magaalada Muqdisho qeybo badan oo kamid ah waxaa laga maqlayay rasaas badan oo oo cirka loo ridayay , waxa ayna dhawaqa rasaasta xalay magaalada laga maqlayay cabdsi badan ku beertay shacabka oo markii horaba dareen cabsi leh ku jiray.

Hadal heynta ugu badan dadka magaalada Muqdisho ayaa maanta ah dhamaanshaha mudo xileedka Madaxweyne Farmaajo iyo waxa dhici kara hadii Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu xilka isku dhejiyo ama ka shaqeeyo mudo kororsi.

Waxaa sidoo kale shacabka aad uga walaacsan yihiin hadalada dhiilada xumbaarsan ee kasoo yeereysa masuuliyiin katirsan dowlada iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ee ku jiraan Madaxdii hore ee dalka.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa badankood kasoo horjeeda in caasimada khalalaase ka dhacdo, waxa ayna ku baaqeen in siyaasiyiinta is diidan is faham ka gaaraan ismari waaga siyaasadeed kana fogaadaan in dalku dhiig sukeeye ku daato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here