Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta soo xiray kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka BJFS kaas oo furmay 15-kii November 2022-ka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay 30 kulan, waxaa la horgeeyay 13 Hindise Sharciyeed oo ay u soo gudbiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Advertisement

Jadwalka hoose waxa aan idinkuugu soo gudbineynaa, Magacyada Hindise Sharciyeedyada iyo sidii loogu codeeyay:

NO Taariikhda Kalfadhiga 2 Sharciga Tirada codeysay
1 Jan 14, 2023 Kul-10aad Hindise Sharciyeedka Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman Ogal 140
Diidmo 3
Ka aamustay 0
2  Feb 6, 2023 Kul-16aad Hindise sharciyeedka korantada Ogal 148
Diidmo 0
Ka aamustay 0
3 Feb 6, 2023 Kul-16aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka. Ogal 144
Diidmo 3
Ka aamustay 1
4 Feb 18, 2023 Kul-20aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed Ogal 149
Diidmo 1
Ka aamustay 0
5 Feb 18, 2023 Kul-20aad Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa. Ogal 148
Diidmo 2
Ka aamustay 0
6 Mar 1, 2023 Kul-24aad Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweeynaha. Ogal 146
Diidmo 1
Ka aamustay 0
7 Mar 1, 2023 Kul-24aad Hindise Sharciyeedka dhowristaMaalgashadayaasha iyo Maalgashiga

 

Ogal 145
Diidmo 2
Ka aamustay 0
8 Mar 6, 2023 Kul-26aad Hindise Sharciyeedka Socdaalka Ogal 145
Diidmo 1
Ka aamustay 6
9 Mar 8, 2023 Kul-27aad Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta Qaranka Ogal 143
Diidmo 0
Ka aamustay 0
10 Mar 8, 2023 Kul-27aad Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka Ogal 143
Diidmo 0
Ka aamustay 0
11 Mar 8, 2023 Kul-27aad Hindisa Sharciyeedka La-dagaallanka Argagixisada Ogal 133
Diidmo 3
Ka aamustay 7
12 Mar11, 2023 Kul-28aad Ansixiyeen xubnaha Gudiga Madax Banaan ee dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka. Ogal 143
Diidmo 0
Ka aamustay 0
13 Mar 11, 2023 Kul-29aad Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeeysiga Soomaaliyeed Ogal 142
Diidmo 0
Ka aamustay 1

Sharciyadaan oo ay soo ansixiyeen labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo gudbiyay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo saxiixay 8-dii March 2023-ka saddex ka mid ah sharciyadaan kuwaas oo kala ah; Hindise Sharciyeedka Hay’adda NISA, Hindise Sharciyeedka Koroontada Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Hindise sharciyeedka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman.