Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Adan Madoobe) oo ka mid ah musharixiina ugu cad cad xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta shaaciyay inuu iska casilay xilkii Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Himilo Qaran. Xisbigan waxaa hoggaamiya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Sida uu dhigayo sharcigu qof walba oo raba inuu u tartamo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa laga rabaa inuu iska casilo xilka uu ka hayo xisbiga uu ka tirsanyahay. Sheekh Aadan Madoobe oo u hoggaansamaya qodobkaas ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka tagay xilkii Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Himilo Qaran.

Sheekh Aadan Madoobe oo horey u soo hoggaamiyay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markale heysta fursad xoogan oo uu ku hoggamin karo Golaha iyadoo xildhibaannadu badi ay u muuqdaan kuwo xurmo u haya waaya aragnimadiisa iyo diiwaankiisa hoggaanka, tiiyoo sanadkan uu Baarlamaanku baahi weyn u qabo hoggaan waay arag ah oo faham badan ka heysta miisaanka Golaha.

Hoos ka daawo muuqaalka is casilaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here