Waxaa goor dhawayd magaalada Muqdisho ka bilaawday kulan u dhaxeeyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wakiilada beesha caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaan oo ay ka Qeyb galayaan Beesha caalamka ee Xarunta u ah Xalane ay iskugu yimaadeen Teendhada Afiysoone ee xerada Xalane, waxaana goor dhawayd gaaray halkaas farmaajo.

Shirkan oo aan horey loo sii shaacin ayaa ka dambeeyey ka gadal markii wada-hadallo toos ah ay yeesheen qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka iyo Villa Soomaaliya.
.
Sidoo kale Beesha caalamka oo horey u sheegtay in aysan taageeri doonin doorasho hal dhinac ah iyo muddo kororsi ayaa si adag uga hortimid go’aankii ka soo baxay golaha shacabka.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here