Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo safaro kumaraya degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Gedo  ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka amniga deegaanada xuduudka ku yaalla ee Gobolka Gedo.

Shirkan oo ka qabsoomay Beledxaawo waxaa ka qeybgalay xubnaha golaha wasiirada ee kamidka ah wafdiga Madaxweyne ku xigeenka ee howlaha shaqo u jooga gobolka, sarakiisha Ciidamada kala duwan iyo maamulka Degmada Beledxaawo.

Advertisement

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan Warbixino la xiriira amniga xaduudaha waxaa uu ka dhageysatay Saraakiisha Ciidamada, isaga oo faray inay dardar geliyaan siugida amniga xaduudaha.

Saraakiisha Ciidamada ayaa ballaan qaaday inay xoojin doonaan sugida Amniga Xaduudaha, sidoo kale mar walba ay sameeyaan howlgallo lagu sugayo ammaanka loogana hortagayo weerarada Al-Shabaab.

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa la filayaa in sidoo kale uu kulamo kala duwan la yeesho odayaasha Dhaqanka iyo Haweenka degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Previous articleDuqa magaalada London Sadiq oo bogaadiyay go’aanka ballaarinta Ulez ee maxkamadda sare
Next articleXiddigii hore ee PSG iyo Inter ayaa ka dambeeyay soo wareejinta Verratti Al-Hilaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here