Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha ahna Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta furay Kulan Heerkiisu Sarreeyo oo looga hadlayo Xasilinta iyo soo kabashada deegaannadii laga xoreeyey Al-Shabaab.

Shirkan ayaa inta uu socdo lagu lafa-gurayaa dardar-gelinta dadaallada ku saabsan xasillinta iyo dib-u-xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin Shabaabka iyo sidii loo midayn lahaa taageerada kala duwan ee dowladda iyo hayโ€™adaha caalamiga ah ay gaarsiinayaan deegaannadii la xoreeyey.

Advertisement

Saalax oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda uu Barnaamijkani u leeyahay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan soo kabashada goobahii laga saaray Al-Shabaab oo u baahan in la gaarsiiyo adeegyadii guud ee dowliga ahaa.

Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa xusay in xoreynta iyo Xasillinta dalku ay yihiin arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, isagoo la wadaagay saaxiibbada Caalamiga ah aragtida dowladda ee lagu gaari karo hiigsigaasi.

Previous articleGolaha Wasiirada Puntland oo Goโ€™aano kasoo saaray dagaalka ka dhacay Garoowe
Next articleSomBank and MasterCard announce partnership to launch debit card in Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here