Guddoomiyaha gobolka Barri ee Puntland ayaa ku soo rogay Hotelada magaalada Bosaaso ammar ah in lagu qaban shirar siyaasadeed hadii aan la ogeysiin Maamulka.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha ayuu ku sheegay in si loo adkeeyo amniga muddo kooban la joojiyay shirarka iyo  xafladaha siyaasadeed, lana qaban karin, iyada oo aan fasax laga heysan Guddiga Mabadgelyada Gobolka Bari.

Sidoo kale waxaa la faray Milkiilayaasha Hotelada in ka hor 24 saacadood ay soo weeydiistay Maamulka hadii la qabanayo shirar, waxaana tallaabadaan aad uga carooday Ururada siyaasadda Puntland gaar ahaan kuwa diidey in diiwaan Galin hal dhinac laga qabto Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here