Shirka dhuusamareeb 4 Waa rajadii ugu danbeysay ee Xalka gaarida hishiis loo Wada dhan yahay ,Waxaa saacado ka harsan tahay Waqti Xileedka madaxweyne farmaajo oo ku eg 8 February, Waxaa dhici karta Wax aan lasaadaalin karin inay Dalka ka dhacaan taas oo aan Ummada Somaaliyeed Dan ugu jirin

Hadaba Waxaa ugu baaqayaa madaxda ku shirsan Dhuusamareeb inay Dalka iyo dadkooda u turaan oo hishiis ay Wada garaan , Arinta ugu Wayn ee leysku haayo Waxay tahay yaa maamulaya Doorashada Ka dhici doonta Gobolka Gado

Hadii aan leys jikaareyn maamulka Axmed Madoobe Waxuu Xaq u leeyahay inuu maamulo doorashada ka dhaceysa jubbaland oo idil ,Sida Madaxda maamul Goboleedyada kale loogu madax banaaneeyay inay maamulaan doorashada ka qabsoomeysa deegaanadooda

Dhuusamareeb Waxaa ka rajeyneynaa Wax dadka Somaaliyeed farxad galiya , Dalka yaan Dib loo celin
Hooyada iyo dhalaanka Somaaliyeed ee mudada 30 Sanadood ku jira xeryaha Qaxootiga. Yaan la
Rajo tirin

Waxaa qoray Gudoomiye ku xigeenkii hore Gobolka Banaadir ibraahim Dheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here