Waxaa dib u dhac uu ku yimid shirkii loo ballansanaa in magaalada Dhusamareeb ay ku yeeshaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada kadib markii halkaas ay wada gaareen madaxdii lagu casuumay shirka.

Shirka oo ay ahayd in uu furmo xalay ayaa dib u dhacay, waxaana sababta lala xiriiriyay sababo farsamo, waxaana la filayaa in shirkan oo ah mid looga tashanayo arrimaha doorashada uu bilawdo gelinka hore ee maanta.

Waxaa horey halkaas gaaray madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada, madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Ra’iisu wasaaraha.

Waxyaabaha la filayay in looga hadlo shirka waxaa kamid ah heshiiskii madaxda ay ku gaartay Muqdisho 17-kii bishii September, xiisadda ka taagan gobolka Gedo iyo arrinta ku saabsan xubanaha guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here