Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa shir guddoomiyey kulanka joogtada ah ee hay’adda SoDMA kaas oo diiradda lagu saaray dardargalinta shaqada hay’adda iyo dhameeystirka howlaha maalinlaha ah ee waaxyaha kala duwan ee Hay’adda SoDMA.

Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay oo laga warbixiyay wacyigalinta iyo digniinihi ay hay’adda ka soo saartay Duufaanta Laly oo soo abuurantay 14-May-2024 in gabi ahaanba meesha ka baxday habeenimadii ay bishu aheyd 23-May 2024 taas oo socotay mudo dhan toban cisho soona martay heerar kala duwan.

Hay’adda SoDMA oo go’antahay la dagaallanka iyo ka hortagga leexsashada gargaarka bani’aadminimo ayaa maanta kulanka joogtada ah ee hay’adda SoDMA lagu ansixiyay cod aqlabiyad ah siyaasadda hay’adda maareynta musiibooyinka ee ku aaddan la dagaallanka iyo ka hortagga leexsashada gargaarka bani’aadannimo.

Kulanka joogtada ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxda kala duwan ee hay’adda sida Guddoomiye ku xigeenka hay’adda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo la-taliyayaasha.
May be an image of 2 people, newsroom and text that says "SoR SoDMA S"May be an image of 11 people and lightingMay be an image of 6 people, people studying and newsroomMay be an image of 6 people, newsroom and text that says "S SRMA 5 20 OK"
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here