Sida ay saxaafada u sheegeen una soo bandhigeen Booliiska ka howlgala Magaalo xeebeedka Mombasa ee Dalka Kenya laba haween ayay ku qabteen daroogada nuuca ugu halista badan.

Labada haween oo magacyadooda ay ku kala sheegeen Aamina Muusa Chirunga iyo Saumu Cali Khamis ayay Booliisku sheegeen inay ku qabteen daroogada nooca loo yaqaano Cocaine-ta.

Advertisement

Labada dumar waxaa lagu soo qabtay aaga Utange ee deegaan baarlamaaneedka Kisauni ee ismaamulka Mombasa sida ay sheegtay idaacada Star Fm ee codka waqooyi bario Kenya.

Waaxda dambi baarista dalka Kenya ee DCI-da ayaa xusay in qiimaha daroogada la qabtay uu yahay 495,000 oo shilin.

Si kastaba Booliisku waxay sheegeen in Isniinta Maxkamad la soo taagi doo no labada haween ee ku eedeysan in lagu qabtay daroogadaan halista ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here