Waxaa weli ka socda magaalada Muqdisho shirka u dhaxeeya Wasiirada Maaliyadda Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, kaas oo Magaalada muqdisho ka furmay 5-tii Bishaan, kadib markii Dowladda Soomaaliya ay u yeertay Wasiirada maaliyadda Dowlad Goboleedyada.

Shirka oo Warbaahinta a banaan joog ka tahay ayaa galay xaalad adag, waxaana weli taagan caqabadii markii hore keenta in Wasiirada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada ay ku dhawaaqaan ina xiriirka u jareen Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya

Wararka laga helayo Shirka ayaa waxaa ay sheegayaan Wasiirada qodobka ugu weyn ay isku hayaan uu yahay sida loo qeybsanayo deeqaha lagu helo magaca Soomaali weyn, iyadoo dhanka dowladda lagu eedeenayo iney damacsan tahay sad bursi.

Sidoo kale Wararka la helayo ayaa sheegaya in dowlad Goboleedyada ay ku doodayaan in wax lagu qeybsado qoondadii Hore ee 60/40 , iyada oo dowladda Dhexe ay qaadan jirtay 40%, halka dowladda Federaalka ay ku doodayso in lacagaha deeqaga ah loo qaybsado si siman.

weli waxaan jirin wax heshiis ah oo ay shirka ku gaareen Wasiirada MaaliyaddaHeer Federaal & Heer Dowlad Goboleed, waxaana la filayaa in dhawaan shirka la soo geba-gabeeo, isla markaana Warmurtiyeed laga soo saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here